|
|
Language: 
|
|
|
| Wax qabadkii Musharax Sheekh Adam Mohamed Esse uu uqabtay umada Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba sanooyinkii lasoodhaafay: |
| GABAY: Codka siiya Gaadale waa noo cuntamayaaye waxaa tiriyay Abwaan Cabdullahi Maxamed Jibriil (Khayrdoon) waa Gabay lagula hadlayo bahwadaagta somaliyeed ee ku nool puntland. |
| Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Adam Mohamed Esse (Gaadaale) ayaa Maamulka iyo Ardayda Jaamacada Puntland ee Garowe Puntland State University (PSU) khudbad u jeediyay March 31, 2008. |
| GABAY: Gaadaale iyo Ciise waan garab galaynaa waxaa tiriyay Abwaan Baarleex oo utiriyay Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) markii uu Gaalkacyo, Mudug booqashada ku marayay. |
| Waxaa Degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal si diiran laagu soo dhaweeyay Musharax Adam Mohamed Esse iyo wafdigii uu hogaaminayay. |
| Xafladii soo dhawaynta London UK ee Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) oo u sharaxan madaxwaynenimada dowlad goboleedka Puntland. Waa 4 videos oo isku xiga ee wada daawada. |
| GABAY: Gaadaale Nala Doorta Waa Geesi Noo Dhexa waxaa lootiriyay Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) waxaana u tiriyay Abwaan Cabdullahi Maxamed Jibriil oo ka tiriyay safarkii uu Musharxu ku marayay Degmada Buurtinle, Nugaal Puntland |
| Sheekh Adam Mohamed Esse ayaa qabanqaabiyay barnaamij xoogleh oo lagac aruurin loogu sameeyay Soomaalidii bad gariirku (Tsunami) ku dhacay sanadii 2004 waxaa barnaamijkaas lagu qabtay magaalada Toronto, Canada. Sheekh Adam Mohamed Esse ayaa deeqdaas ugudbiyay dadkii dhibaatadu kudhacday markii uu soobooqday magaalaayinkii bad gariirku kadhacay lana kulmay dadkii dhibtu kudhacday. |
| Waxaa Baarlamaanka Canada ee Ottawa lagu qabtay xaflad lagu taageerayay dawladii cusbayd ee Soomaaliya (DFS). Waxaa barnaamijkaas oo aad loosoo abaabulay soo qabanqaabiyay Sheekh Adam Mohamed Esse. Waxaana kasoo qaybgalay Soomaali badan, xubno kasocda xisbiyada Canada, Safaaradaha Canada fadhiya iyo marti kale oo farabadan. Labadan videow ee hoose waa xafladaas. |
| Ururka Isbahaysiga Muslimiinta (Coalition Muslim Organizations) oo uu madax kayahay Sheekh Adam Mohamed Esse ayaa qabtay dood (debate) u dhaxeeyay labo musharax oo utartamayay xubinimada baarlamaanka (MP) Canada. Musharixiintaas waxay kasoojeedeen xaafada Etobicoke North ee Toronto oo ah meesha aydaganyihiin tirada ugu badan Soomaalida Canada kunool. |
|
© 2008 Adam Esse for Puntland President
|
|
|
|
|
|
|